Guddoomiyaha Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay dawladda FS ku bixinayso mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo oo ahmiyad weyn u leh dadka ku dhaqan gobolada dhexe.
Guddoomiyaha ayaa dhismaha dekedda Hobyo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka,wuxuuna bogaadin iyo ammaan gaar ah u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dalka Qadar.
Suldaan C/naasir Jaamac Seed iyo Nabadoon Firdhiye oo ku hadlayay afka Waxgaradka gobolada dhexe ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in mashruucan uu rajo weyn ku abuurayo bulshada umadda ku dhaqan deegaanada gobolada dhexe.




From the comments