Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu ka socdo shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta qaar kamid ah beelaha Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galaya shirka ka socda Magalada Hobyo.
Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan degmada Hobyo waxaa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxaa inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada.









Goobjoog News

From the comments