Tan iyo markii shalay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah ayaa waxaa jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo sababta dowladda federaalka ah u diideyso in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah.
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday sida go’aan noocaas ah uu u saameyn karo Soomaaliya waxaana u soo baxday in laga hortago in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-shabaab.




From the comments