Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar ku tagay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana garonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay maxaweynaha Koonfur galbeed Cabdi Caziz Lagta Gareen, guddoomiyaha balaanka iyo xildhibaanno.
Ra’isul wasaraha ayaa bushda magalaada kula hadlay garoonka kubadda cagta ee magaalada Baydhabo, isaga oo ugu mahadceliyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, Kheyre ayaa bulshada ka balanaqaaday in dowladda federaalka ay kaalinteeda ka geysanayo dhismaha ka socda Garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa inta uu joogo Baydhabo inuu la kulmo madaxweyne Cabdi Caziiz Maxamed Laftagareen wax garadka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan saraakiisha ciidama qeybta 60-aad, asaga oo kala hadli doona sidii loo furi lahaa amnina loogu heli lahaa wadada xariirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.




From the comments