Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay aqbalaadda warqadaha aqoosiga ee uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Washington, Cali Shariif Axmed.
Trump ayaa aqalka cad ku qaabilay danjire Cali Shariif, wuxuuna ku bogaadiyey safiirka cusub shaqada loo soo igmaday.
Qoraal kasoo baxay dowadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjirahan cusub uu sii dar-dargelinayo xiriirka saaxiibtinimo ee Labada dal iyo sidoo kale wax wada qabsiga faa’idada u leh Labada dal.




From the comments