U bood dhigaalka

Ugaar Ah Goobjoog: Kenya oo Maxkamadda ICJ u Gudbisay Codsi Kale oo Waqti Kordhin Ah

Sebteembar 23, 2019

Kenya ayaa la xaqiijiyey iney mar kale  dib ugu laabtay maxkamadda qaadeysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo sheegtay in ay ku yartahay 2-bada bil ee la siiyey ee ilaa November 4, waxaa ay maxkamadda cadliga ka codsadeen waqti intaas ka badan.

Ilo kiiska ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenya oo horay ugu hungowday in muranka badda xal looga gaaro meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay maxakamadda si waqti u iibsato.

Maxkamadda ICJ weli lama soo xiriirin Soomaaliya, laakin waxaan la hubin waxa ay Muqdisho ka yeeli-doonto haddii Kenyaanka dalbadaan waqti ka badan kii ay maxkamadda qabatay ee November 4 ahaa.

Kenaya ayaa horay maxkamadda uga codsatay 12 bil, laakin waxaa loo ogolaaday 2 bil oo ah inta u dhaxeysa September 4-November 4.

Goobjoog News,