Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane Cabdi Casiis Lafta gareen iyo maamulaha Koonfurta iyo badhtamaha ee shirkadda Dahabshil Goup mudane Xassan Cabdi Cawad ayaa goobjoog ka ahaa axaddii xaflad ay shirkadda Dahabshiil ku daahfurtay dhismaha ugu quruxda badan Baydhabo, iyada oo ay labada mas’uul xariga ka jareen.
Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhismaha uu noqon-doono xarunta guud ee shirkada ee Baydhabo isla markaana laga heli doonno dhammaan adeegyada shirkada Dahabshil Group sida adeegyada Bahabahil Bank ee maali gelinta waaweyn iyo kuwa yaryar, sidoo kale adeegi xawaalada iyo isgaadhsiinti oo casriya sida Internetki guryaha iyo 4G sidoo kale 3G.
Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo goobta ka hadlay ayaa shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyey kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay umadda somaliyeed kusoo kordhisay gaar ahaana dowlad foboleedka Koonfur Galbeed halka gudoomiyaha baarlamaanka Cabdikadir Shariif Sheekuna Maye oo isna khudbeeyey uu ka hadlay doorka ay hoggaamineed ee Dahabshil ay ka qaadatay horumarka KGS iyo Maalgelinta ay ka bixisay iyo sida ay kor ugu qaadayso ganacsiga KGS .





From the comments