Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga laabtay u wakiilashadiisii wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadaneyd doorashada Galmudug.
Wuxuu Xaaf qoraalkiisa ku sheegay in ay soo badatay cabashada ay qabaan beelaha dhistay Galmudug, sidaasi darteedna lama huraan ay noqotay in howlaha doorashooyinka iyo dhab u heshiisiinta lagu soo celiyo gacanta maamulka.
Wasiiradiisa ayuu faray in ugu dambeyn 10-10-2019 isku yimaadaan si loo dar-dargeliyo shaqooyinka horyaalla ee dowlad goboleedka Galmudug.





From the comments