Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku sameeneysa Buundada degmada Baardheere gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbalaand, taas oo aan wax dayactir ah aan helin muddo dheer.
Dhismaha buundada ayaa la sheegay in ay ku baxeyso lacag gaareysa 317.000 dollar, haddii la dhisana waxaa ay ka qeyb qaadan doontaa isku socodka bulshada ku dhaqan gobalaka Gedo.
Xildhibaanno labada gole iyo wasiirro ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa horay dowladda ugu gudbiyay in dhisma lagu sameeyo buundada Baardheere, oo shegeen in wax weyn ka tareyso isku socodka bulshada iyo ganacsiga gobalka Gedo.




From the comments