Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale si cad u diiday in dib loo dhigo codsi ay Kenya u gudbisay maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ kaas oo ah in dhageysiga dacwada badda la dib dhigo ilaa September 2020.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga ugu danbeeya ee la wada sugayo ee Maxkamada ka dib markii dowladda kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mudo 12-bilood ah.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku dhow kiiska badda, oo codsaday in magaciisa la qariyo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in hadda maalmaha soo socda la sugayo go’aanka maxkamadda ICJ ee ku aadan codsiga dib u dhigista Kenya iyo diidmada Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in haddii ay dhacdo in maxkamadda ay wax ku dareyso ay ku dari doonto bilo kooban, oo ah inta u dhaxeysa December 2019-May 2020.




From the comments