Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka da’ay roob saacado socday, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah.
Biyahii kasoo hooray roobkay ayaa waxay buux dhaafiyeen waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho ah, waxayna taasi keentay in gaadiid badan ay ka baqaan ku socoshada biyahaasi.
Wadada Makka Al-mukarrama oo ah waddo aad u mashquul badan ayaa la arkayey iyadoo gaadiidka aanay sidii hore ugu socon, waxaana wadadaasi aad u mara biyaha kasoo rogmada xaafadaha ku dhow.




From the comments