Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowladda gobaleedka Jubbaland gaaray madax kala duwan kuwaas oo la filayo iney ka qeyb galaan caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo dhowaan dib loo doortay.
Madaxda gaartay magalada Kisamaayo ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee dowladda Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaa kale oo ku jiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni oo uu wehliyo madaxweynihii hore ee maamulkaas Faroole, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xisbiga Wadajir, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BF iyo siyaasiyiin kale.
Magaalo xeebeedkan oo 50 km u jirta caasimadda Muqdisho waxaa horay u gaaray wufuud ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikarim Guuleed iyo Koonfur galbeed Shariif Sheekh Axmed.




From the comments