Wafdi ay hoggaaminayaan Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Safiirka dowladda Sweden Amb. staffan Tillander ayaa maanta gaaray Maagaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay kulan la qaateen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.
Labada Safiir iyo wafdiga la socday ayaa Madaxweyne Biixi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Midowga iyo Somaliland iyo dardar gelinta wada shaqeynta laba dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Somailand ay qeybqadan laheyd xasilinta mandiqadda geeska Afrika.
Sidoo kale Saafirada ayaa Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Somaliland si Dimuquraadiyad ah Midowga Yurubna uu ka geysan doono taageero sidii loo qaban lahaa doorashka Somaliland oo waqtigooda ku dhaca.








From the comments