Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in wasiirrada xukuumadda federaalka ah ay xafiisyo ka furtaan gudaha Puntland.
Maamulka Puntland ayaa howsha ay wasiirrada wadaan ku tilmaantay sharci darro mar haddii aaney ku iman doorasho qof iyo cod ah.
Arrintan Puntland waxaa iska diiday xildhibaanno federaalka ah uu ku jiro Senator Maxamuud Mashruuc ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka, isla markaana aan la is hor-taagin xuquuqda mataaladda ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.




From the comments