Labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa soo fatahay webiga Jubba kaas oo mara deegaanno ka mid ah Gedo iyo Labada Jubba.
Fatahaadda darteed qoysas badan ayaa ka barakacay gurihii ay deganaayeen. waxaana baa’abay dhamaan dalagyadii ka baxayey beeraha waraabka ah ee deegaannadaasi.
Degmooyinka ugu daran ee fatahaaddu saameysay waxaa ka mid ah: Luuq, Buur-dhuubo iyo Baardheere oo Gedo ah iyo Jubbada dhexe oo Saakow, Bu’aale iyo Jilib laga dayrinayo halka Jubbada hoose ayaa dhibaatooyin ka jiraan Jammaame, Kamsuuma, Baarsanguuni iyo Goobweyn.




From the comments