Qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ka bilowdeen dedaallo loogu gurmanayo shacabka B/weyne, oo dhibaato xooggan kasoo gaartay fatahaaddii uu magaaladaasi ku sameeyey Wabiga Shabelle.
Dhallinyaro, culimo iyo waxgarad ayaa magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco ka bilaabay qorshaha loogu gurmanayo shacabka B/weyne, iyaga oo taga goobaha dadku ku badan yahay, xaafadaha, Masaajidda iyo xarumaha waxbarashada.
Waxa ay wataan codbaahiyeyaal ay dadka kaga dalbanayaa iney u gurmadaan walaalahooda B/weyne si wax loogu muujiyo garab istaag walaalnimo.




From the comments