Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saaka ay maleeshiyaadka Al-sunna isku dayeen iney hubka ka qaataan labo askari oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, is rasaaseyn halkaasi ka dhacday waxaa ku dhimatay gabar reer Guriceel ah.
Dhanka kale, waxaa uu dagaal ku dhex maray magaalaada Matabaan ciidamo dowladda federaalka ah iyo qaar kale oo ka tirsan xarakada Ahlu sunna, waana xilli uu booqanayey wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye.
Dagaalka oo ka dhacay bar Kontorool oo laga galo Matabaan, Ahlu-sunna ayaa u diiday wasiir Sebriye inuu galo magaalada, laakin rasaas muddo socotay kadib waxaa loo awood sheegtay suufiyada, waxaana la sheegayaa in ciidamada dowladda ay hadda heystaan magaalada.




From the comments