Waxaa socda qorsheyaal lagu geynayo saraakiil boliis ah Soomaaliya si ay uga caawiyaan dhismaha awoodda boliiska Soomaaliyeed. Mr Grace Turyagumanawe, agaasimaha boliiska gaar ahaan kuwa taageera nabadda oo booqasho ku jooga Muqdisho si uu u qiimeeyo hawlaha boliisku ka hayo Soomaaliya iyo badqabka 160 saraakiil boliis ah oo Soomaaliya jooga ayaa sheegay inay socdaan qorsheyaal lagu geynayo saraakiil boliis ah geeska Africa.
Warkaan oo laga soosaaray hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM shalay ayaa laga soo xigtay Mr Grace Turyagumanawe in Uganda ay qorsheyneysay iney u hesho qalab qorshaha boliiska lagu geynayo Soomaaliya.
“Waxaa socda diyaargarow lagu xaqiijinayo inaan u daad-gureynno qeybtii labaad oo saraakiil boliis ah Soomaaliya sidii lagu heshiiyey dhawaan. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan helno agabka loo baahan yahay,” ayuu yiri Mr Grace Turyagumanawe.




From the comments