Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo La Magacaabay
Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abukaate C/casiis ayaa magacaabay guddiga doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.
Guddigan ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaana ay diyaarin doonaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.
Abukaate C/casiis ayaa kulankii maanta xilka looga qaaday Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ka sheegay in doorashada ay dhici doonto 14-ka bishan, wallow go’aanka kama dambeysta ah shaacin doonaan guddigan la magacaabay.
Halkaan hoose ka akhriso:
Goobjoog News