Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan (Khamiistii) waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka ee maamulkaasi C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba Daareed).
Hadaba dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in sababta uu ku baxay Dhoobo Daareed ay tahay farogelin dowladda federaalka ah.
Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo u waramay Goobjoog wuxuu sheegay in Dhoobo Daareed uu mar hore caddeystay inuu taageersan yahay dowladda federaalka, kana xun yahay xiriirka ay Puntland u jartay DFS.




From the comments