Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka duushay diyaarad gaar ah oo ay la socdaan madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in saacado madaxdan oo ku xayirnaayeen garoonka, ugu dambeyn loo ogolaaday iney aadaan B/weyne.
Dhanka kale, wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in uu safarkii ka baaqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna saakay garoonka Aadan Cadde u tagey inuu aado magaalada B/weyne, sababo la sheegay roob xalay ka da’ay magaaladaasi.





From the comments