Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada Puntland la horgeeyo baarlamaanka maamulkaasi, oo shaqadii ugu horreysay qabanaya kadib doorashadii guddoomiye Cabdirashiid.
Xildhibaannada ayaa codka u qaadi doona guddigan si loo meelmariyo, waxaana guddiga TPEC haddii ay kalsoonida ka helaan baarlamaanka Puntland horyaalla shaqooyin culus.
Kulanka maanta waxaa shir guddoomin doona, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf Jibriil.




From the comments