Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo guddoonka gudiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland.
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo.
Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.




From the comments