Taliska ciidanka Nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay taliskan.
Ninkan lasoo bandhigay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Rayaan Shiikh Nuuur, wuxuuna Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Jubbaland ayaa sheegay in shaqsigan uu xiriir lasoo sameeyey dhankooda, sidaasina ay ku qaabileen.




From the comments