Kulan ammaanka loogahadlayey islamarkaan ay yeesheen talisyada NISA, Booliiska iyo xubnaha guddiga amniga Guriceel ayaa xalay ka dhacay degmadasi.
Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha degmadaasi, C/laahi Maxamed Barre, waxaana inta uu kulanka socday lagu falanqeeyey xaaladda amni ee degmadaasi.
Macalin Qaasim Sheekh Mire, madaxa warfaafinta degmada Guriceel oo warbaahinta u akhriyey waxyaabaha kulankaasi kasoo baxay ayaa sheegay in la mamnuucay wadashada hubka sharcidarrada ah, iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.




From the comments