Maanta oo Arbaco ah waxaa aad u deggan xaaladda deegaanno badan oo kamid ah Somaliland, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado watay.
Wararka maanta aan heleyno waxay sheegayaan in xaaladdu deggan tahay, islamarkaana xisbiga Wadani oo taageerayaashiisu banaanbaxayeen loogu baaqay iney dibadbaxyada joojiyaan.
Cabdilaahi Geel Jire oo ah Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in ay maanta baajiyeen dibadbaxyo ay dhigi lahaayeen taageerayaashooda.




From the comments