Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, waxaana shir-guddoominaayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Ajendaha ahaa marinta Akhrinta 3-aad sedexaad iyo ansixinta misaaniyad sanadeedka 2019-ka oo sanadkii hore ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah, saluugitaanka, BFS ayaa keentay in mar kale dib ugu noqdaan misaamiyadda.
Marinta Akhrinta 1-aad iyo 2-aad oo horay Baarlamaanka ugu soo mariyey fadhiyo kala duwan ayuu maanta mar kale u fariistay Akhrinta sedexaad iyo waliba meel marinteeda.




From the comments