Waxaa xalay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku hoyday Dr. Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga yaqaano deegaannada Puntland.
Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xireen siyaasigan oo xariggiisa loo sababeynayo eedeyn uu Jimcihii lasoo dhaafay u jeediyey madaxweyne Saciid C/laahi Dani.
Waa markii Labaad oo siyaasigan la xiro, iyadoo 13-kii October ee sanadkan sidan oo kale loo xiray, balse Saddex cisho kadib lasii daayey.,




From the comments