Deegaannada dhaca dhulka Xeebta ah ee gobalka Bari,ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka da’ayey roobab xoogan oo dabeylo watay kuwaas oo biyo badan dhigay togagga waayeyn ee gobalka Bari.
Degaannada ay saameeyeen xooggan ka geysteen roobabka ayaa waxaa kamid ahaa Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda Bosaso iyo deegaanno ku dhaw dhaw, waxaana maqan qadka isgaarsiinta taleefannada, deegaannadaas roobabka ayaana wali ka da’aya gobalada Bari, Nugaal iyo Mudug.
Sidoo klae wararka laga helaayo gobalaka Bari ayaa tilmaamaya in roobabkii ka da’ayey saacadihii la soo dhaafay ay ka dhasheen daadad xoogan kuwaas oo sameen ku yeeshay isku socodka dad, gaadiidka iskaga kaa gudbaayey gobalka iyo dadkii jilaabatada ahaa ee daganaa dhulka xeebta ku teedsan.




From the comments