Xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan oo horay ugu barakacay fatahaado ayaa hadda wajahaya mid kale oo cusub oo webigu ku soo daayey qeybo ka mid ah magaalada.
Asad Cabdiwali Cismaan oo ka mid bulshada ku dhaqan magaalada Baladwene oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in gelinkii dambe shalay ilaa habeenimadii xalay uu bilaabay wabiga inuu ku fataho xaafadaha dhowr ah ee magaalada waxaana uu yiri” Biyo baxada oo bil ka hor ka noqday oo wabiga aad u naaqusay ayaa markale uu ku soo laba kacleeyey magaalada shalay ilaa xalay, Shalay ayaa ugu darneed xaafada magaalada sida Kutiimbo, Kooshin, Dhagax jabis iyo Buulo Xaadleey, wabigii ayaadna moodaa inuu saro ku kacay ayaa xaafadaas biyo kuwado”.
Sidoo kale Asad oo haalkiisa siiwato ayaa xusay in xaafada fatahaaduhu ka jiraan ay bulshada dhowaan ay ku soo guryo noqdeen haddana ay bilaabeen in mar kale ay dib ugu laabtaan deegaanka Ceeljaalle oo markii hore ay barakac ku ahaayeen waxaana uu yiri” Asbuuc waxaan dhammeen waxaa jiro qoysas magaalada duleedkeeda ka soo laabtay dibna ugu soo laabtay xaafadahoodii oo maantana si xowli ah guryahoodii uga baxaayo asbuuc ka hor meeshii ay ka yimaadeen ayey hadana dib ugu laabanayaan maantana haba ugu badnaato geedigooda boqolaal qoys ayeey dhan yihiin waxaana laga yaabaa haddii uusan wabiga caawa isbadal uusan keenin biyo badanna ay ku soo wajahan yihiin xaalad adag ayuu gali doono”




From the comments