Dagaal u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmooyinka Baraawe, Bariire iyo sidoo kale Awdheegle oo Shabellaha Hoose ah.
Waxaa dhacay dagaal xooggan oo saacado socday, iyadoo lasoo sheegayo khasaare ka dhashay dagaalkaasi.



From the comments