Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn nidaamyada hadda socda ee la doonayo in lagu wajaho doorashooyinka 2021 ee dowladda dhexe.
Wuxuu tilmaamay in Puntland aanay wax shaqo ah ku lahayn wax walbo oo hadda socda, sidoo kalena aanay u muuqan ka maamul ahaan in la qaaday waddo sax ah oo dhanka doorashooyinka ah.
“Iyadoo doorashadii federaalka Hal sano ka dhiman tahay ma jiraan wax cad oo la leeyahay sidaas bay doorashada u dhaceysaa….guddi baarlamaanka uu qabtay oo aan arkeenay wey jiraan, laakiin wax Puntland ay ku lug leedahay ma ahan..waxyaabaha aan hadda maqleyno oo u muuqda shaarar dad kale tolonayaan Puntland shaqo kuma lahan” ayuu yiri Dani.



From the comments