Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay leeyihiin mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.
Kulanka maanta ayaa waxay xildhibaannada su’aallo ku weydiin doonaan wasiirka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).
Su’aalaha ay xildhibaannadu weydiin doonaan wasiirka waxaa ka mid ah arrimo ku aaddan ciidanka xoogga dalka, howlgallada ay wadaan iyo arrimo kale.




From the comments