Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Sweden, Ann Christine Linde.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada Dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta.
Labada mas’uul auaa hoosta ka wada xarriiqay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.




From the comments