Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goor dhow wuxuu magaalada Kismaayo ka furay shirka wasaaradaha maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo sidoo kale wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan inta uu socdo diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, maareynta maaliyadda dadweynaha iyo sidoo kale arrimo ku aaddan nidaamka deyn cafinta.




From the comments