Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka qaxootiga ah ee ka soo laabanaayo dalka Kenya loo sameeyo mid ka duwan noloshii markii ku qasabrtay in ay qaxooti noqdaan.
Madaxweynaha ayaa xusay in hadda dadkaasi caruurtooda ay waxbarasho heystaan miyiga in ay la qabsadaanna ay ku adagtahay loona baahan yahay in laga taageero shaqo abuurna in loo sameeyo waxaana uu yiri” Dadka soo noqonaya waxaa ay u baahan yihiin mustaqbal danbe iyo noloshooda in ay ku filnaadaan, waxaan marar badan kala hadalnay dowladda Kenya iyo hey’adda UNHCR in dadka inta xero qaxooti laga soo qaado oo dalka gudihiisa la keeno ayna macno badan saneyneynin, waxaa asalka ah ay tahay in dadkaan shaqo abuur in loo sameeyo, la dejiyo dhul eereedka ay beeraha ka abuuran karaan ilaa, qalabkii ay wax ku beeran lahaayeen iyo arrinta labaad oo aheyd in ay helaan kaluumeysi”
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkii siiwato ayaa ka digay in arrinta qaxootiga dalka ku soo noqonay in la siyaaadeeyo, waxaana uu xusay in dadka qaxootigaa ay u badan yihiin Jubbaland waxaana uu yiri” In la siyaasadeeyo sax ma ahan dadka qaxootiga ah gobalkaan ayey u badnaayeen sababtey doonto ha noqotee, haddii la yiraahdo siyaasad ayaa lagu qeybinayaa oo degmooyinka ayaa loo qeybinayaa waxaa xaq u leh cidda ugu badan iyo tirada in lagu qiimeeyo”




From the comments