Ahlu-sunna Oo Iska Diidday Shuruudo Ay Soo Bandhigeen Guddiga Farsamada iyo Dhismaha Galmudug
Sheeko:Dalka

Ururka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa iska diiday shuruudo ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug, kuwaasi oo ku wajahan xubnaha ka mid noqonaya xildhibaannada Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Ahlu-sunna ayaa lagu sheegay in aanay marnaba u hoggaansami doonin shuruudahaasi, maadaama heshiiskii DFS iyo Ahlu-sunna ahaa in iyaga u madax-banaanyihiin keensashada xildhibaannada gaaraya 20-ka.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xildhibaannada Ahlu-sunna aanu saameyn doonin, islamarkaana mudanayaashooda kaliya sugi doonaan dhaarinta.
Halkaan hoose ka akhriso: