Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii saakay ka dhacay Ex-control Afgooye ay ku dhinteen in ka badan 26 qof, kuna dhaawacmeen 60 ruux.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Ismaaqiil Muqtaar Cumar (Orange) oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 26 qof halka ay ku dhaawacmeen 60 qof, waa sida ay baahisay warbaahinta qaranka.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in tirada dadka ku dhintay ay intaas ka sii badan karto, waxaana gawaarida gurmadka degdega ah ay ku howlanyihiin sidii dadka loo geyn lahaa xarumaha caafimaadka ee Muqdisho




From the comments