Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa la gaarsiiyay 16 kamid ahaa dhaawacyadii ku waxyeelloobay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye ee magaalda Muqdisho.
Dhaawacyadaan oo ahaa kuwii ugu liitay dadka dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay dalka Turkiga si loogu dabiibo halkaas,hayeeshee wararka naga soo gaaraya Turkiga ayaa sheegaya in Aamina Cusmaan Kheyre oo ka mid aheed dhaawacyada culus ee dalkaas loo qaaday ay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay garoonka uga hortageen dhaawacyada iyaga iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas.




From the comments