Sida ku qoran jadwalkii cusbaa ee ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug, maanta oo ah 31-ka December waxay aheyd in la dhaariyo xildhibaannada Galmudug laakin ma dhicin.
Waxaa kale oo jadwalka ku qornaa in inta u dhaxeysa 24-30-ka bishan ay aheyd xulista iyo shaacinta xildhibaannada Galmudug taasina Sidoo kale ma dhicin.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinadir Geelle oo horay wareysi u siiyey Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu ku socon-doono jawdwalkan.




From the comments