Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.
Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.




From the comments