Dowladda Mareykanka ayaa Xaqiijisay in Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay shaley subax ku qaaday Saldhigg ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Gobalka Lamu ee dalka Kenya.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-Shabaab ee Saldhiggaasi ayaa sheegay inuu ka dhintay 1 Askari, 2 qandaraasle, iyo dhaawaca laba qof oo Mareykan ah.
Horay Dowladda Kenya waxa ay u sheegatay in aanay wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas, dableydii Al-Shabaab ee soo weeraray la iska caabiyay, lana dilay, iyagoo soo bandhigay meydadka illaa shan dagaalame iyo hubkooda oo ay ku jiraan qoryaha BKM iyo RPG.




From the comments