Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka DFS uu habeenkii xalay ahaa ku dilay magaaladaasi qof shacab ah.
Sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah, qofka la diley oo lagu magacaabayey C/raxmaan Maxamuud Siigaale ayaa waxa uu saarnaa Mooto bajaaj.
Mootada ayaa si lama filaan ah ku dhaaftay bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka DFS, iyadoo askarigana uu rasaas ku furay mootada, sidaasina uu ku dhintay Siigaale.




From the comments