Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari wuxuu sheegay in muhiim ay tahay wadashaqeyn dhexmarta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Wuxuu tilmaamay in isaga uu ogsoonyahay in aanay shaqo socon karin haddii aanu jirin is ixtiraam iyo wadatashi, isaga oo hadalkiis intaa raaciyey in dowladda dhexe waajib ku tahay in dowlad goboleedyada ku ixtiraamto shaqooyinkooda.
Talo aan wadaag lahayn waxbo ma tareyso qof walbo mas’uuliyadda uu hayo in lagu ixtiraamo waa shey aan meel looga wareego lahayn, ninka federaalka jooga in lagu ixtiraamo, kan maamul goboleedka jooga lagu ixtiraamo, wadatashina uu jiro




From the comments