Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in Labo qoys ay ku sumoobeen caano ay cabeen, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaaladaasi.
Illaa Sideed qof ayaa la xaqiijiyey in la dhigay isbitaalka magaalada Qardho, waxaana wararku sheegayaan in dhaqaatiirta ay aad ula tacaalayaan xaaladooda caafimaad.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dadka sumoobay waxaa ku jira caruur, iyadoo hadda ay soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee Lix ka mid ah dadkaasi.




From the comments