Iyada oo ay weli sii socoto burburinta Ciidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayey ciidamada Kenya waxay mar labaad bur buriyeen xarun ku taalla deegaanka Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland.
Ciidamada Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waa weyn, iyadoo ay bur bureen Tower-adii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkii isgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaari.
Waxaa hadda hawada ka maqan isgaarsiintii deegaanka Jaldeyse, iyo Tuulooyinka hoos yimaada iyadoo uu hakad galay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah isu socodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd arrintaas oo sababi karta barakac ku yimaada dadka ku nool deeganadaasi.








From the comments