Wararka ka imaanayaa gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay halkaasi ka dhaceen duqeyn dhanka cirka ah, oo lala beegsaday dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaannada Hargeysa yarey, Saayow iyo deegaanno uu dhexeeya Jilib iyo Bu’aalle oo ka tirsaan gobolka Jubbada dhexe.
Duqeynta dhinaca Hargeysa yare ayaa waxaa lagu burburiyay xarun ay Alshabaab ku lahayeen duleedka deegaankaasi iyadoo ay ku dhinteen duqeynta xubno ka tirsaan Alshabaab waa sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda.




From the comments