Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maanta ay halkaasi kulan degdeg ah ku yeelan doonaan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug.
Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ayaa isugu yeeray mudanayaashan, lamana oga ajendaha kulankooda waxa uu yahay.
Warar madax-banaan ayaa waxay sheegayaan in arrimaha looga hadli doono kulankan ay tahay khilaafka soo kala dhexgalay guddiga doorashada ee dhowaan la magacaabay.




From the comments