Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.
Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay.




From the comments