Ciidamada Booliiska ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Jowhar kasoo qabteen Cismaan Ibraahim oo shalay wiilkiisa ku gowracay magaaladaasi.
Taliyaha Booliiska Jowhar, Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in ciidanku ay soo qabteen ninkan oo sii baxsanayey, xilli uu marayey tuulo ku dhow magaalada Jowhar.
Wiilka la gowracay oo 14-sano jir ahaa ayaa lagu magacaabayey Ibraahim Cismaan Ibraahim, iyadoo weli aan la ogeyn sababta ka dambeysay gowraciisan.




From the comments